|

Waxaa bishaan Mey 15keedii ka bilowsey magaalada kismaayo tartan kubadda cagta oo ah koobka horyaalka cayaaraha dusgiyada magaalada kismaayo. Dugsiyada ka qeeygalay cayaarahaas waa 11 dugsi oo isugu jira dugsiyada hoose, dhexe iyo kuwa sare. Ciyaarahaasi waxaa ay ka socdaan garoonka wayn ee kubadda cagta WAAMO STADIOM ee magaalada kismaayo
Ciyaaraha horyaalka kubada cagta ee ka biloowdey magaalda kismaayo waxaa maalgaliyay Ururka HIRDA oo ah ururu samafal oo ka shaqeeya gobolada Gedo, Jubada hoose iyo Galgaduud. Hawlaha ugu muhiimsan ee uu ururku ka wado goboladaas waxaa ugu weeyn qeeybta waxbarasha. Ujeedada uu ururku ka leeyahay sportiga dhalinyarada waa in la soo celiyo is dhexgelkii dhalinyarada soomaliyeed, xoojinta nabadgelyada iyo sportiga oo ah caafimaadka maskaxda, gaar ahaan dhalinyarada soo koreeysa.
Ciyaarahaasi waxaa si weeyn looga soo dhaweeyay magaaldda kismaayo waxaana xafladda furitaanka ka soo qayb galay madaxa Isbahaysiga dooxada Juba oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degamada Kismaayo Xaaji Dahir. Xaaji Dahir oo halkaas ka jeediyey khudbad aan u qiimo badan isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay is dhexgalka dhallinyarada iyo soo nooloynta tartamada cayaaraha ee dugsiyada waxbarashada. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada ee Juba Education Network Mudane Axmed Faarax Cali (awees). Guddoomiyaha waxaa uu u mahad celiyey ururka HIRDA oo suurta galiyey qabsoomidda tartankaan iyo dhammaan dadweynaha ka soo qaybgalay tartanka oo wajiyadooda ay ka muuqdaan farxad. Dadweynihii daawanayey oo buuxdhaafiyey garoonka waxaa ay soo xasuusteen tartamadii ciyaaraha dusgiyada iyo gobollada oo la qaban jiray ka hor xilligan dagaalada sokeeye.
Halkaan Kadaawo Sawirokale
|
Group A
|
Group B
|
Group C
|
|
Rugta
|
M. Jaamac
|
Farjano
|
|
Bin-Xambal
|
Iftin
|
Irshad
|
|
Bayaan
|
Faanoole.
|
Khalid Bin Walid
|
|
Jubba
|
Wisdom
|
|
Cayaarahaas oo bilowday 15/05/2006 waxaa ay socon doonaa muddo bil ah natiijada cayaarihii ugu danbeeyey oo dhacay waxay ku dhamaadeen sidatan, waxaan marwalba la soo socodsiin doonaa natiijada cayaaraha maalin walba la ciyaaro.
|
DATE
|
GROUPS
|
SCHOOL NAME
|
GOALS
|
POINTS
|
|
15 May 2006
|
A
|
Rugta vs Axmed binu xambal
|
0
|
0
|
1
|
1
|
|
16 May 2006
|
B
|
M.Jaamac vs Iftin
|
0
|
1
|
0
|
3
|
|
17 May 2006
|
A
|
Bayaan vs Jubba
|
1
|
2
|
0
|
3
|
|
18 May 2006
|
B
|
Faanoole vs wisdom
|
0
|
2
|
0
|
3
|
|
19 May 2006
|
A
|
Axmed binu Xambal vs Jubba
|
1
|
2
|
0
|
3
|
|
20 May 2006
|
B
|
M.Jaamac vs Faanoole
|
1
|
3
|
0
|
3
|
|
21 May 2006
|
A
|
Bayan vs Rugta
|
2
|
3
|
0
|
3
|
|
22 May 2006
|
B
|
Iftin vs wisdom
|
1
|
1
|
1
|
1
|
|
23 May 2006
|
A
|
Axned binu Xambal vs Bayaan
|
0
|
2
|
0
|
3
|
|
24 May 2006
|
B
|
M.jaamca vs wisdom
|
0
|
2
|
0
|
3
|
|
25 May 2006
|
A
|
Rugta vs Jubba
|
0
|
2
|
0
|
3
|
|
26 May 2006
|
B
|
Faanoole vs Iftin
|
0
|
0
|
1
|
1
|
| |
|
SEMI FINAL
|
|
|
|
|
|
28 May 2006
|
--------
|
Wisdom vs Rugta
|
1
|
2
|
0
|
3
|
|
29 May 2006
|
--------
|
Iftin vs Jubba
|
0
|
1
|
0
|
3
|
|
30 May 2006
|
--------
|
Iftin bs wisdom
|
1
|
4
|
0
|
3
|
|
1 June 2006
|
-----
|
Farjanno vs Irshaad
|
0
|
3
|
0
|
3
|
|
2 June 2006
|
-----
|
Irshaad vs Khaalid
|
0
|
1
|
0
|
3
|
|
3 June 2006
|
-------
|
Khaalid vs Farjanno
|
0
|
2
|
0
|
3
|
| |
|
Final
|
|
|
|
|
|
07 June 2006
|
----------
|
Jubba vs rugta
|
|
|
|
|
Dadweynaha magaalada kismaayo oo soo dhaweeyey dadaalka ururka HIRDA iyagoo ku faraxsan in dib loo soo nooleeyo 16sano ka bacdi tartankii dugsiyada. Sidoo kale muddada bisha ah ee ciyaaraha ay socdaan galab walba waxaa u soo daawasho taga dadweynaha magaalada kismaayo gaar ahaan dhallinyarada cayaaraha jecel.
Ururka HIRDA waxaa u qorshaysan in mustaqbalka uu qabto ciyaaraha dugsiyada waxbarashada heer degmo, heer gobol iyo wadan gaar ahaan gobolada koofurta Soomliya.
Koobka maalinta dhalinyarada iyo nabada
Usbuucii la soo dhaafay waxaa uu sidoo kale ururka HIRDA hirgaliyay tartan ciyaaraha kubada cagta oo lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada iyo nabadda. Ciyaarahaasna waxaa lugu qabtay magaalada Baardheere, waxaana ka soo qeeybgalay kooxo ka socdey magaalooyinka Baardhere, Luuq iyo garbahaareey. Waxaan ururku aad ugu farxay qeeybta ay ka qaateen dadka degen magaalda baardheere soo dhaweeyntii kooxihii ka kala yimid magaalooyinka kale.
|