:: Boga Hore :: Hadafka :: Taarikhda
:: Xiriirka :: Jawaab-celis
 
 
 
 
   

 

 
 

Abaaraha Ka Jira Gobollada Somaliyaa

Waxaa abaarro ba’ani ka dhacay qaybo ka mid ah gobollada Somaliya, qaarkoodna ay gaareen xaalad aad u xun, abaarahaasi waxay ka dhaceen degaamada Gedo, Bay, Bakool, Jubbooyinka, iyo qaar ka mid ah degmooyinka Jubbada hoose.

Sababihii keenay abaaraha oo ahayd roob la’aan ka dhacday degaamadaas iyo wabigii oo guray. Abaarahan oo saameeyay dadkii iyo duunyadii.

Ururka HIRDA oo fadhigiisu yahay degmada Bardere, Gobolka Gedo wuxuu ku dadaalay sidii uu uga shaqayn lahaa isku xirka dadka dega degaankaas oo ku nool waddamada galbeedka, sidoo kale ururku wuxuu ka qayb qaatay dhisidda guddiga abaaraha ee waddanka Holland, guddigaas oo yeeshay fadhiyo kala duwan kii ugu horreeyayna uu ahaa 8 January, kii labaadna ahaa 4tii Feb, kii 3aadna ahaa 19 Feb, kulamadaas waxaa lagu soo aruuriyay lacag gaaraysa 4.562 dollar, lacagtaas oo loo diray guddiyadii abaaraha ee ka dhisnaa Gedo.

Guddiga abaaraha ee Holland wuxuu wali ku mashquulsan yahay soo aruurintii lacagaha fadhigiisa soo socda oo ah 26 Feb, ayada oo laga hadli doono wajiga labaad ee gurmadka abaaraha, fadhi ballaarana loo qaban doono dadka ku nool Waddanka Holland.

Xilligii roobka la sugayay oo ku beeggan bisha April haddii roob yimaado dalaggii la beero wuxuu soo bixi karaa ugu yaraan bisha July intaasna dadku waxay u baahan doonaan wax ay ku sii gaaraan.

Dhinaca kalana waxaa laga baqayaa in dhibaatooyinka abaaraha ay gaystaan sida baaba’a xoolaha inay keeni karto cudurro xun xun oo ka dilaaca soonaha, taas oo saamayn wayn ku yeelan doonto nolosha dadka ku nool degaanka.

Ururka HIRDA wuxuu u mahadcelinayaa dadkii Somaliyeed ee ka gaystay kaalmada gacan, wuxuuna ugu baaqayaa dadka Somaliyeed inay u istaagaan sidii ay ugu gurmad lahaayeen walaalahooda abaaruhu saameeyay, ayna isku tashadaan oo aysan u fadhin kaalmada shisheeye taasoo waqti badan qaadata sidii ay ku soo gaari lahayd goobihii abaaruhu ka dhaceen.

xoolihii oo macaluul u baaba’ay dhirtii oo qalashay

xoolihii ku nafwaayay abaartii ka dhacday degaanka Gedo

 

Qofkii ku deeqaya kaalmo barnaamijka abaaraha wuxuu kala soo xiriiri karaa ururka HIRDA oo saldhigiisu yahay Holland, meelkasta oo qofku joogana wuxuu ku tabaruci karaa kaalmo asaga oo ku soo shubaya account ururka kuna muujinaya inuu u bixiyay abaaraha.

 

Account name

 

HIRDA (HIMILO, RELIEF & DEVELOPMENT OF ASSOCIATION)

Account number

 

62 88 87 310

Currency

 

EURO

Sort code (Bic code)

 

ABNANL2A

IBAN code

 

NL 94 ABNA0628887310

Bank name

 

ABN-AMRO BANK

Bank Address

 

REMBRANDTWEG 6

Postcode

 

1180 AB AMSTELVEEN

Correspondence Address

 

P.O.BOX 59

Postcode

 

1180 AB AMSTELVEEN

Address of Organisation

 

POSTBUS 9004

Postal address

 

1180 MA AMSTELVEEN

Country

 

THE NETHERLANDS

 

 

 

 

 

 

 

 

   
         

 
Development Plan Cont. -
Quest / FYDP Workshop
 

Hirda makig a difference in the lifes of childeren in Somaia
• Himilo Reliefe Rehabilitation and Development Oraginsation whos major acitivities are in Somalia...

The Voice Magazine Oct 04

Community Awareness and fundraising in Holland

Our activities in Holland are mainly focussed on community awareness so as the community can take more active role in development programs financially as well as human resources.




 
 
 
© 2005 Himilo Relieve And Developement Association. All Rights Reserved. Contacts webmaster@hirda.org