:: Boga Hore :: Hadafka :: Taarikhda
:: Xiriirka :: Jawaab-celis
 
 
 
 
   

 

 
 

HIRDA oo raashin gargaar ah u qaybiyay boqolaal qoys

Ururka samafalka wadaniga ah ee HIRDA oo raashin gargaar ah u qaybiyay boqolaal qoys oo ku nool qaar ka mid ah tuulooyinka ka tirsan Deg. Baardheere oo ay jirto abaaro ba’an.

Ururka Samafalka HIRDA ayaa Gargaar Raashin ah ku qaybiyay maalmihii la soo dhaafay tuulooyinka ay ka midka yihiin Tubaako, Qotiileey, Malmal-kuus, Caanoole iyo Baroowdiinle. Deeqdaas waxaa waxaa ku deeqay muslimiinta magaalada Ottawa gaar ahaan jaaliyadda Soomaliyeed ee Ottawa ee dalka Canada iyagoo u soo mariyey deeqdaas Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo Human Concern International (HCI), waxaana gargaarkaas suurta galiyey in loo qaybiyo dadka ku tabaalaysan tuulooyinkaas hayadda HIRDA oo xarunteedu tahay wadanka Holland kana howlgasha gobolka Gedo. 

Cabdullaahi Jaamac Karinle oo mid ah mas’uuliyiinta Ururka HIRDA oo maanta ugu waramayay saxaafada Xafiiska ururka HIRDA ee Baardhere ayaa sheegay in Ururka HIRDA deeq dhaqaale oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen ay soo gaarsiiyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Canada iyo Hay’ adda Human Concern International (HCI) in Raashin gargaar ah ay ugu iibiyeen dad dhibaataysan oo kunool Tuulooyinkaasi oo aysan illaa iyo hadda gaarin wax gargaar ah illaa iyo intii ay ku dhufatay koofurta Somaliya abaarta. Tuulooyinkaas waxaa ay yaallaan daanta Bay ee Degmada Baardhere kana tirsan Goblka Gedo.  

Halkaan Kadaawo Sawiro Kale

Cabdullaahi ayaa intaasi ku daray in deeqdaasi dhaqaale ee Ururka HIRDA la soo mariyay ay ku iibiyeen Raashin isugu jira Gallay, Bur iyo saliid kuwaas oo la gaarsiiyey in ka badan 500 oo qoys oo aad ugu baahnaa in la soo gaarsiiyo gargaar bani aadanimo. Raashinkaas ayuu sheegay in la gaarsiiyay dadkii loogu talagalay, isagoo xusay in dadwaynaha deegaankaasi ay si xilkasnimo u qaybsadeen iyagoo islamarkaana u mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen Ururka HIRDA, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa iyo Hay’adda Human Concern International (HCI) ee saldhigeedu yahay Dalka Canada.

Sidoo kale Cabdullaahi ayaa sheegay in maalinta bari ah ay ka bilaabi doonaan deegaano ka tirsan Gobalka Gedo howlo xaga biyo dhaaminta ah oo loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ay la soo gudboonaatay abaarta iyo biyo la’aanta ka taagan deegaano ka tirsan Gobalka.

Gargaarka noocan oo kale ah ee loo fidiyo dadka danyarta ah ee ku nool deegaanadaasi ayaa la filayaa inuu wax katari doono nolosha qaybo ka mid ah bulshada oo mudooyinkan dambeba ay haysatay duruufo xaga nolosha ah.

 

Xasan Cabdi Keynaan

 

 

 

 
   
               

 
Development Plan Cont. -
Quest / FYDP Workshop
 

Hirda makig a difference in the lifes of childeren in Somaia
• Himilo Reliefe Rehabilitation and Development Oraginsation whos major acitivities are in Somalia...

The Voice Magazine Oct 04

Community Awareness and fundraising in Holland

Our activities in Holland are mainly focussed on community awareness so as the community can take more active role in development programs financially as well as human resources.




 
 
 
© 2005 Himilo Relieve And Developement Association. All Rights Reserved. Contacts webmaster@hirda.org